Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka go’an tahay xoojinta amniga maraakiibta ganacsiga ee mara xeebaha dalka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira amniga marin-biyoodka caalamiga ah.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Mudane Abuukar Baalle, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta badaha Soomaaliya.
Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer dalalka dhul-weynaha Afrika, taas oo ka dhigaysa meel istaraatiiji ah oo isku xirta Badweynta Hindiya iyo Badda Cas. Sidaas darteed, ayuu yiri, amniga iyo maareynta badda Soomaaliya ma aha oo kaliya arrin qaran, balse ay tahay mid si weyn u saameyneysa gobolka iyo ganacsiga caalamiga ah.
“Waxaan si buuxda u garowsanahay in ilaalinta marin-badeedka iyo hubinta badqabka maraakiibta ganacsiga ay muhiim u tahay kobaca dhaqaale iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Danjiraha.
Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay la shaqeyso beesha caalamka si loo xaqiijiyo in maraakiibta sida badeecadaha iyo kuwa ganacsiga ay si nabad ah u maraan biyaha dalka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sare u kacayaan dhaq-dhaqaaqyada amni darro ee ka jira qaar ka mid ah marin-biyoodka muhiimka ah ee caalamka, taas oo keentay in dalal badan ay kordhiyaan feejignaanta ku aaddan ilaalinta maraakiibta.
Soomaaliya ayaa horey uga shaqeysay la dagaallanka burcad-badeedda, iyadoo dadaalladaas ay hoos u dhigeen weerarradii ka dhici jiray xeebaha dalka sanadihii la soo dhaafay.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya waxay muujisay inay xoojin doonto awoodda ciidankeeda badda, isla markaana ay sare u qaadi doonto iskaashiga ay la leedahay dalalka dariska ah iyo hay’adaha caalamiga ah si loo sugo amniga guud ee badda.
Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay beesha caalamka ugu baaqday in la ixtiraamo xuquuqda maraakiibta ganacsiga iyo shuruucda caalamiga ah ee badaha, si loo xaqiijiyo marin-badeed ammaan ah oo furan, kaas oo dan u ah dhammaan dalalka ku tiirsan ganacsiga badda.
Dhawaan ayey aheyd ka markii Burcadbadeedda ayaa looga shakiyey inay afduubteen markab xamuul oo marayay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha iyo kooxaha ammaanka badaha.
Afduubka la sheegay in uu ahaa kii labaad ee ka dhaca Soomaaliya muddo toddobaad gudihiis ah. Weerarka ayaa lagu qaaday markabka Sward oo sibidh kasoo qaaday magaalada Suweys ee dalka Masar kuna sii jeeday magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxaana uu ka babanayay calanka St Kitts iyo Nevis.
Weeraradan ayaa kusoo beegmaya iyadoo marinada badda ay horey u wajaheen khalkhal ba’an oo ay sabab u tahay go’doominta marinka Hormuz intii uu socday dagaalkii Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen dalka Iran.
Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegay in Sward lagu afduubay meel 6 nautical miles (11km) waqooyi bari ka xigta magaalo xeebeedka Soomaaliya ee Garacad.
Kooxda ilaalada badda ee Ingiriiska ee Vanguard ayaa sheegtay in 15-ka qof ee markabka saaran ay ka koobnaayeen laba qof oo Hindi ah iyo 13 Suuriyaan ah.




