Madaxweyne Xasan oo Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha ciidamada

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaalkiya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa xalay ka kulmay saraakiisha ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada ka wada halkaasi.

 

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha uu la kulmay, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay howlgallada ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa saraakiisha iyo ciidamadooda ku amaanay doorkooda ku aadan dagaalka Al-Shabaab, maadaama ay guullo waa weyn ay kasoo hooyeen.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii saddexaad ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu tegay jiheynta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here