Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahiyay safarkiisii dalka Eritrea

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay dalka Eritrea.

 

Xasan Sheekh ayaa intii uu joogay magaalada Asmara waxa uu la kulmay dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki.

Madaxweyenaha Soomaaliya oo waraysi siiyey telefiishanka Eritrea ayaa sheegay in sababta uu dalkaasi ugu tagay booqashadan ugu dambaysya ay ahayd inuu Madaxweynahya dalkaasi uga xog-warramayo Madaxweynaha Eritrea horumarka iyo wixii kusoo kordhay Soomaaliya iyo inuu taladiisa raadiyo marka ay noqoto horey ugu socodka sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa argagixsida, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxwyenaha ayaa ammaanay doorka Eritrea ay ka qaadatay arirmaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay Eritrea samaysay wax dalal yar ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamo badan oo Soomaali ah lagu tababary dalkaasi. Waxaana uu sheegay in Eritrea aysan wax dan gaar ah ka lahayn Soomaaliya oo aan ka ahayn mid walaaltinnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here