Faahfaahino kasoo baxaya howlgal culus oo ka dhacay gobolka Mudug

0

XARARDHEERE (SMN) –  Ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ayaa saakay qaaday howlgallo ay dhowr deegaan uga sifeeyeen Al-Shabaab.

 

Deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayey Ciidanku Kala wareegeen Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada..

Cabduqaadir Kadiido oo ka tirsan Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka deegaanka ee Al-Shabaan ka sifeeyay deegaanadaasi, ayaa tilmaamay in howlgalada Ciidanka ay sii wadi doonaan inta laga ciribtirayo Al-Shabaan.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay howlgalada ka socda aaga degamada Xarardheere in kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogga horjoogayaal iyo maleeshiyaad kalena lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here