DHUUSAMAREEB — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.
Safarka Xasan Sheekh ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida. Madaxweynaha ayaa ka qeyb-gali doona munaasabad lagu soo xirayo tababarka cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Inta uu ku sugan yahay Galmudug, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada dowlad-goboleedka, kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaale.
Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, isagoo dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.



