Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha dowladda kadib xoreynta dalka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen la-dagaallanka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Al-Shabaab iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga saarayo kooxda.

“Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isugu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaad laba todobaad ka badan ku sugan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, isaga oo u tegay hoggaaminta wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here