Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay guddi cusub + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo soo saaray digreeto ayaa xalay magacaabay guddi xildhibaano ah oo cusub.

 

Guddigan oo ka kooban illaa 9 xubnood ayaa waxaa loo xil-saaray inay warbixin dhammeystiran ka soo diyaariyaan xaaladda adag ee ka jirta xabsiyada dalka, gaar ahaan xabsiga dhexe ee Xamar oo dhibaato xoogan iyo cadaalad darro laga soo wariyay.

Magacaabista guddigan ayaa ku timid, kadib talo soo jeedinta xildhibaano Golaha Shacabka oo ku taliyey in arrintaan loo saaro guddi gaar ah oo soo dhammeystira baarista, isla-markaana warbixin kasoo diyaariya xaaladda dhabta ah ee ka jirta xabsigaasi, kadib markii ay todobaadkan gudihiisa ka doodeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), halka guddoomiye ku-xigeen uu yahay xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif, sidoo kale waxaa xoghaye looga dhigay xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed.

Shaqada ugu horreysa ee guddigan ayaa noqon doonto kulamo ay la qaadanayaan hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrimaha maxaabiista sida Garsoorka, Xeer Ilaalinta iyo dhanmaan bahda cadaaladda si loo helo warbixin dhammeystiran oo ku aadan xaaladda maxaabiista oo haatan dhibaatooyin adag wajahaya.

Intaas kadib guddiga ayaa looga fadhiyaa in warbixintiisa uu kusoo celiyo guddoonka iyo sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dhanka kale, guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha dowladda ee ay quseyso arrintaan in ay la shaqeeyaan guddiga uu magacaabay, si ay warbixin dhab ah oo dhammeystiran ugu keenaan waajibaadka loo igmaday ee ku aadan xaaladda maxaabista ku jirta xabsiyada ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba, tallaabada uu qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa daba socota hadal heynta ka dhalatay in xabsiga dhexe ay ka jirto cadaalad darro xoogan iyo tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada oo la sheegay in loo geysto maxaabiista ku xiran halkaasi.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here