Madaxweyne Xasan oo ka qayb-galay xaflad ka dhacday Jaamacadda Ummadda

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabadda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay mudnaanta ay dowladdu siinayso tayaynta waxbarashada dalka iyo muhiimadda bixinta canshuuruhu u leyleyihiin horumarinta adeegyada bulshada.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay dadaalkii dowladda soomaaliyeedu u gashay dib u furidda Jaamacadda Soomaaliyeed oo la hirgaliyay sanadkii 2014 ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso hormarinta iyo kor u qaadida waxbarashada dalka.

“Waxbarashada dalkeennu waxa ay soo martay duruufo kala duwan, waxaana maanta joognaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn. Waa in muwaadiniintu si hufan bixiyaan canshuuraha qaranku ku leeyahay”.

Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruufo adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka msutaqbalka, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah dufcaddii 22-aad ee ka baxda Jaamacadda ayaa tiro ahaan gaarayey 1535 Arday, kuwaasi oo dhammaystay kulliyadaha kala duwan ee heerka koowaad iyo heerka labaad ee taqasuska sare.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here