Maxay ka wada-hadleen wasiirka difaaca iyo danjire Shane L. Dixon? + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo  sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah.

 

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay dadaallada DFS ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Qorshaha ATMIS.

Wasiirka ayaa Danjiraha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee horumarinta nabadda & amniga Soomaaliya ee ay dowladda Mareykanku la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here