Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taas oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka, waxaa ka qaybqaatay cutubyo ka kala socday Ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo si xirfad ciidan ku dheehan tahay u muujiyay sida ay uga go’an tahay difaaca calanka, qarannimada, madax-bannaanida dalka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay qiimaha taariikheed ee maalinta 12-ka Oktoobar iyo kaalinta uu Calanka Soomaaliyeed ku leeyahay sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in calanku yahay astaan ka tarjumaysa midnimada shacabka, himiladii xorriyadeed iyo naf-hurnimadii halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo dagaallamay gobannimada dalka.
Munaasabadda xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dalka.






