Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Doceed la Qaatay Madaxweynaha Masar

0

Al-Calamayn – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn.

 

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta iskaashiga labada dal. Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo dalalka deriska la ah. Itoobiya ayaa dhowaan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Eritrea, iyadoo sidoo kale Masar iyo Suudaan ku eedeysay taageerada dhinacyada hubeysan ee ka dagaallamaya waqooyiga dalka, eedeymahaas oo Masar iyo Suudaan ay beeniyeen.

Xiisadaha ayaa sii kordhay xilli dagaallo cusub ay ka qarxeen gobolka Tigray, iyadoo ciidamada dowladda Itoobiya ay maanta dib ula wareegeen garoonka diyaaradaha Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle. Midowga Afrika ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay in ay ka fogaadaan tallaabooyin ama hadallo sii hurin kara xiisadda, isla markaana khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo waddooyin diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale magaalada Al-Calamayn uga qaybgalaya munaasabado heer sare ah oo diiradda lagu saarayo iskaashiga Afrika, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha qaaradda. Madasha Ganacsiga Afrika ee Al-Calamayn ayaa soconaysa 2 ilaa 4 Oktoobar, waxaana ka qaybgalaya madax iyo wakiillo dowladeed oo Afrikaan ah.

Maalinta Axadda ah ee 4-ta Oktoobar ayaa magaalada Al-Calamayn lagu qabanayaa kulanka 8-aad ee Isku-duwidda Midowga Afrika ee bartamaha sanadka, kaas oo ay ka qaybgalayaan madaxda Afrika iyo hoggaamiyeyaasha ururrada dhaqaale ee qaaradda. Kulamada heerka sare ee ka socda Masar ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda Geeska Afrika ay marayso marxalad xasaasi ah, gaar ahaan xiisadaha u dhexeeya Itoobiya, Eritrea, Masar iyo Suudaan.May be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here