Baydhabo – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, xoojinta wada-tashiga bulshada iyo sidii loo heli lahaa hannaan loo dhan yahay oo lagu gaari karo nabad, xasillooni iyo is-afgarad waara.
Xildhibaanada iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa si gaar ah uga wada hadlay doorka muhiimka ah ee Odayaasha Dhaqanka ay ku leeyihiin nabadeynta, xallinta khilaafaadka, isu-soo-dhoweynta bulshada iyo dhismaha kalsoonida bulshada dhexdeeda.
Odayaasha Dhaqanka ayaa kulanka ku muujiyay sida ay uga go’an tahay inay qaataan kaalintooda ku aaddan dadaallada dib-u-heshiisiinta, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada bulshada iyo kuwa siyaasadeed si loo gaaro xal waara.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-tashiga iyo isu-soo-dhoweynta dhinacyada kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, iyadoo la adkeynayo doorka dhaqanka iyo bulshada Soomaaliyeed ee xal u helidda khilaafaadka iyo dhismaha nabadda.




