Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan La Qaatay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay xubno ka socday bulshada rayidka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlay dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, dhismaha dowladnimada iyo horumarka laga gaaray dhinacyada amniga, maamul wanaagga iyo doorashooyinka qof iyo codka ah.

 

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay bulshada rayidku ku leeyihiin xoojinta dowladnimada, ilaalinta midnimada qaranka iyo kobcinta ka qeybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladda, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo toos ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka bulshada rayidka ah ee nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, iyadoo madaxweynuhu uu ku bogaadiyay dadaallada ay bulshada rayidku ka geystaan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, xubnaha bulshada rayidka ah ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xoojinta dimuqraadiyadda, daahfurnaanta dowladnimada, dardargelinta adeegyada bulshada iyo adkeynta wada shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here