Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay guddoonka labada Gole + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) –  Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdixaashi Cabdullahi oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka oo saaka gaaray Magalaada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa Madaxtooyada Dhuusamareeb ku booqday Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Madaxweynaha oo hagida howlagalda lagu ciribtiraayo Khawaarijta ka wada Dhuusamareeb ayaa guddonka Baarlamaanka warbixin ka siiyey guulaha ay gaareen Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu tilmamay in dhawaan guulo waaweyn laga gaari doono Al-Shabaab.

Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Khawaarijta iyaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed leeyihiin  hal cadow oo caqabad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka JFS oo ah matalayaasha shacabka ay si buuxda u garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here