Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu u safro magaalada Kampala ee dalka Uganda

0

MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu berri u ambabaxo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, sida ay Shabelle TV u sheegeen ilo xog-ogaal ah.

 

Safarkan ayaa imaanaya maalin kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in wada-hadallada siyaasadeed ee isaga iyo mucaaradka u dhexeeya aan lagu qaban doonin meel ka baxsan dalka Soomaaliya, isagoo xusay inuu diyaar u yahay inuu tago guryaha ay deggan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka si wada-hadallada loo qabto.

Safarka madaxweynaha ee Kampala ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo salka ku haya hannaanka doorashooyinka, mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo wada-hadallada lagu xallinayo tabashooyinka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here