Madaxweyne Xasan Sheekh oo martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Masar

0

QAAHIRA (SMN) – Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al-Siisi ayaa marti-qaad u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu booqasho ku tago dalkaasi, sidaasi waxaa tebisay wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA.

 

Marti-qaadkan ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo la shiray madaxweyne Xasan Sheekh Axaddii.

Waxay wakaaladdu qortay in intii uu socday kulankaas ay wafdigu ku celiyeen in madaxweyne Al-Siisi uu si aan leexleexad lahayn u taagersan yahay gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Dhinaca kalena, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jabuuti ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegay in Jabuuti ay si walaac leh ula socotay xiisadda ka dhex curatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Dimoqraadiga Itoobiya.

Waxay sheegtay in Jamhuuriyadda Jabuuti oo haatan haysa madaxtinnimada urur goboleedka IGAD ay si xooggan u caddaynayso taageerada ilaalinta gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah ururka, taasi oo aasaas u ah mabaadii’da iyo xeerarkii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika.

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ugu baaqaysaa labada waddan ee walaalaha ah inay qaataan dariiqa wadahadalka si ay uga shaqeeyaan dejinta [xiisadda],” ayay Jabuuti ku sheegtay war saxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here