Xildhibaan Cabdisamad Macallin oo xilka qaadis lagu sameeyay + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Xubnaha guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka BJFS oo maanta kulankoodii labaad ee kalfadhiga 4-aad ku yeeshay xafiiskooda ayaa waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka guddiga Xildhibaan Faadumo Ismaaciil Xuseen.

 

Ajandaha kulanka guddiga ayaa ahaa soojeedinta xilka qaadista guddoomiyaha guddiga xeerhoosaadka Xil. Cabdisamad Maxamuud Xasan, waxaana kulanka goob joog ahaa habdhowraha guud ee Golaha, habdhowre ku xigeenka, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha guddiga, waxaana soo jeedinta mooshinka xilka qaadista Xildhibaanada u aqriyay guddoomiye Ku-xigeenka guddiga Xil. Faadumo Ismaaciil Xuseen.

Xubnaha guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka ayaa cod gacan taag ah (Haa) ugu codeeyay in xilka ay ka qaadeen guddoomiyihii guddiga, wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan.

DHAMMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here