Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay wafdi ka socday Talyaaniga

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Talyaaniga, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga, Matteo Piantedosi.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, maareynta socdaalka iyo xuduudaha, iyo sidii loo sii ballaarin lahaa wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Talyaaniga, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaato dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasilloonida iyo horumarka dalka.May be an image of textMay be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here