Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

0

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka, ahna Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Muslimiinta, Dr. Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka, ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah, iyo xoojinta nabadda, wadajirka iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Raabidada Caalamka Islaamka mowqifkeeda ku aaddan taageeridda midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadato horumarinta bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda uu leeyahay iskaashi xooggan oo lagaga hortagayo fikradaha xagjirka ah iyo marin-habaabinta dhalinyarada.

May be an image of daisMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here