Ciidamada AUSSOM ee Jowhar oo tababar ku saabsan khataraha walxaha qarxa loo qabtay

0

Jowhar – Ciidamada AUSSOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha Jowhar ee Qaybta 5-aad ayaa dhowaan soo gabagabeeyay tababar wacyigelin ah oo socday saddex maalmood, kaas oo diiradda lagu saaray khataraha walxaha qarxa ee gacanta lagu farsameeyo (IEDs) iyo badbaadada goobaha kontoroollada, gaar ahaan hawlwadeennada haweenka ah.

 

Tababarka oo ay bixiyeen kooxda AUSSOM BNDF u qaabilsan maareynta walxaha qarxa, oo taageero ka helaya UNMAS, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo aqoonsan lahaa loogana jawaabi lahaa khataraha suuragalka ah ee ka dhici kara goobaha kontoroolka, garoomada diyaaradaha iyo iridaha laga soo galo.

Gaashaanle Nsabimana Alexis, oo ah Injineerka tababarka u qaabilsan Qaybta 5-aad, ayaa sheegay in tababbarro la mid ah lagu qaban doono saldhigyada kale ee BNDF, si loo xoojiyo ilaalinta ciidamada, badbaadada askarta iyo dadka rayidka ah, loona taageero fulinta waajibaadka AUSSOM. Sarkaalka ayaa ka qeybgalayaasha ku boorriyay inay adeegsadaan xirfadaha ay ka barteen tababarka, si sare loogu qaado badbaadada iyo waxtarka hawlgalka.

May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here