Madaxweyne Xasan Sheekh oo saraakiil loo tababarayo DF kula kulmay Qatar

0

DOOXA (SMN) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay  Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socda dalka Qatar.

 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar doorkan kuu aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay wadahadal ula yeeshay Amiirka Qatar Mudane Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna mashariircyo kala duwan oo horumarineed ka fulisaa gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here