Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.
Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taalada SYL si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee dhalinyaradii Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xoreynta dalka iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in halyeeyadii ku mideysnaa ururka SYL ay ahaayeen astaan qaran oo mideysay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana horseeday baraarug qaran oo saldhig u noqday helitaanka xorriyadda iyo dowladnimo Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay door muuqda ka qaataan difaaca dalka, dib u dhiska qaranka, ilaalinta midnimada iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in jiilka maanta jooga looga baahan yahay inay dib u soo nooleeyaan waddaniyaddii, midnimadii iyo himiladii ay lahaayeen aas-aasayaashii SYL, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah, horumarsan oo mideysan.





