Midowga Yurub oo rajo ka muujiyay wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya

0

Muqdisho — Iyadoo ay wali socdaan wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka dalka, ayaa Midowga Yurub rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada kulamadaasi.

 

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesco Di Mauro, ayaa qoraal ay ku daabacay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya ay galayso marxalad siyaasadeed oo cusub, iyada oo xustay muhiimadda wada-hadallada socda.

“Maanta oo ah maalinta dhalinyarada, Soomaaliya waxay galeysaa marxalad siyaasadeed oo cusub. Wadahadalladu waxay ujeedkoodu yahay in lagu heshiiyo jihada doorashooyinka: hannaan dhab ah oo loo dhan yahay kana turjumaya codadka haweenka iyo dhalinyarada. Waxaan rajeynayaa in maanta galinka dambe la soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo leh jadwal cad oo loogu gudbayo isbeddel nabdoon,” ayuu yiri safiirka Midowga Yurub.

Hadalka safiirka ayaa imanaya xilli madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed si cad uga sheegay in dowladdiisu aysan ka tanaasuli doonin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Mowqifka dowladda ee ku aaddan doorashada qof iyo cod ayaa kamid ah qodobada ugu waaweyn ee muranka ka taagan yahay wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka, iyadoo mucaaradku ay dalbanayaan hannaan doorasho oo heshiis siyaasadeed lagu yahay isla markaana loo dhan yahay.

Kulamada socda ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya madax sare oo dowladda iyo mucaaradka ah, iyadoo beesha caalamka ay dadaal ugu jirto sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed oo dalka uga gudbi kara xaaladda cakiran ee doorashooyinka.May be an image of text that says "Francesca Di Mauro @franracraDME May 15, 2026 On this YouthDay, is entering a new political phase. Talks aim to agree the way fwd on elections: a realistic model, inclusive at its where and youth voices can be heard. I look forward to a joint statement later today, with a clear timeline for a peaceful transition. DRADUATION.CEREMONY.FOM.21VYOUT IMPACT DRADUATION GEREMONY FOR 10 OUTH Nge MAA " ."

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here