Xasan Sheekh oo la xiriiray Midowga Yurub, kadib xadgudubkii Itoobiya

0

BRUSSELS (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell ayaa uga mahadceliyey mowqifka adag ee Midoowga Yurub ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku adkeynayaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Ururka Midowga Yurub oo horay uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ayaaย  garab istaag u muujiyay dowladda Soomaaliya.

Qoraal uu Ururka soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la ixtiraamo midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee JF Soomaaliya.

โ€œWaxaa lagu war galinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurka u yaalla Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay, Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhanโ€ ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa kowdii bishan heshiis is-afgarad ah ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here