UK oo war kasoo saartay heshiiska muranka dhaliyay ee Addis Ababa

0

LONDON (SMN) – Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay damaca liita ee dowladda Itoobiya ayaa si buuxda u garab istaagtay Soomaaliya.

 

Dowladda Ingiriiska ayaa adkaysay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Horay waxaa sidaan oo kale uga hadlay arrintan xasaasiga ah, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka, Turkiga iyo waddamo kale oo waa weyn.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya oo arrintan ka duulaya ayaa xiriir toos ah la sameeyay Amiirka dalka Qatar iyo madaxweynaha Masar oo uu kala hadlay arrimo soo kordhay, gaar ahaan inay kasoo horjeestaan heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Dhammaan tallaabooyinkan waxa ay xoojinayaan go’aanada dowladda Soomaaliya uga soo horjeesatay xadgudubka Itoobiya ku sameysay madax bannaanida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here