Madaxweynihii Hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo Berri Ku Wajahan Baydhabo

0

Muqdisho – Waxaa la filayaa in berri magaalada ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed.

 

Socdaalka Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira mustaqbalka hoggaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar-garowga soo dhoweyntiisa, iyadoo taageerayaashiisa, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay wadaan qaban-qaabo ballaaran oo lagu soo dhaweynayo wafdigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here