Mahdi Guuleed oo loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku soo baxay 97 cod, halka Mushtaaq Ibraahim oo la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa halaabay hal cod.

Mahdi Guuleed ayaa noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee loo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa kursiga labaad oo ka mid ah kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here