Guddiga xallinta khilaafaadka oo soo saaray habraaca soo gudbinta dacwooyinka

0

MUQDISHO (SMN) -Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa soo saaray habraaca soo gudbinta dacwooyinka doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa ku wargeliyey musharixiinta iyo codbixiyeyaasha in la qaataan habraaca ay soo saareen oo ku aadan sida loo wajahayo, haddii ay cabasho timaado.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyada lagu bilaabay xubnaha ka imaanada gobollada waqooyi (Somaliland).

Halkan hoose ka aqriso:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here