Lilongwe – Dowladda Malawi ayaa ku dhawaaqday inay dhowaan billaabi doonto qorshe dib loogu soo celinayo muwaadiniinteeda doonaya inay ka baxaan Koonfur Afrika, iyadoo ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira weerarro iyo hanjabaado lagu bartilmaameedsanayo muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool dalkaas.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Malawi ayaa lagu sheegay in qorshaha dib u celinta uu ku koobnaan doono muwaadiniinta si iskood ah u codsaday in dowladda laga caawiyo dib ugu laabashada dalkooda. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in faahfaahinta howlgalka, gaadiidka iyo jadwalka safarrada la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo diyaarinta qorshaha.
Malawi ayaa sidaas ku biireysa dalal kale oo Afrikaan ah oo qaaday tallaabooyin lagu badbaadinayo muwaadiniintooda ku sugan Koonfur Afrika. Dalalkaasi waxaa ka mid ah Ghana, oo toddobaadkii hore dib u celisay boqolaal muwaadiniin ah, iyo Mozambique, oo iyaduna bilowday daadgureynta muwaadiniinteeda kaddib markii la sheegay in shan qof oo u dhashay dalkaas lagu dilay rabshado ka dhacay magaalada xeebta ah ee Mossel Bay.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib markii kooxo deegaanka ah oo kasoo horjeeda soogalootiga ay soo saareen baaq ay ajaaniibta aan sharciga ku joogin dalka ugu qabteen inay ka baxaan ugu dambeyn 30-ka Juun, arrintaas oo cabsi ku abuurtay bulshooyinka ajaanibta ah ee ku nool Koonfur Afrika.
Weerarada lagu bartilmaameedsado ajaaniibta ayaa muddo dheer ka jiray Koonfur Afrika, halkaas oo muhaajiriinta mararka qaar lagu eedeeyo inay sabab u yihiin qaar ka mid ah caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira, sida shaqo la’aanta iyo cadaadiska adeegyada bulshada.
Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in dowladdiisu ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata ama hurisa rabshadaha. Isagoo ka hadlayay baarlamaanka dalka Talaadadii, ayuu carrabka ku adkeeyay in inkasta oo ay muhiim tahay wax ka qabashada arrimaha la xiriira socdaalka sharci darrada ah, haddana aan la aqbali doonin rabshado, naceyb iyo in sharciga gacanta lagu qaato.
Koonfur Afrika, oo ah mid ka mid ah dhaqaalaha ugu waaweyn qaaradda Afrika, ayaa weli martigelisa malaayiin shaqaale, qaxooti iyo magangelyo-doon ka kala yimid dalalka deriska ah iyo kuwo kale oo ay ka jiraan colaado iyo xasillooni darro, kuwaas oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.




