Mucaaradka Oo Wada Abaabullo Hordhac U Ah Dibadbax La Filayo Inuu Ka Dhaco Muqdisho

0

Muqdisho –  Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay saakay ku waabariisaytay iyada oo xubno ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyo abaabullo la xiriira dibadbax ballaaran oo la qorsheynayo inuu ka dhaco caasimadda maalinta Khamiista.

 

Mas’uuliyiinta mucaaradka ee ku lug leh abaabulladan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, iyo ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre.

Sida ay tilmaamayaan wararka la helayo, abaabullo siyaasadeed iyo kulamo isdaba joog ah ayaa ka socda degmooyin ka tirsan Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka ku dhow xarumaha muhiimka ah ee dowladda. Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in ammaanka la adkeeyay goobaha ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Dibadbaxa la qorsheynayo ayaa inuu salka ku hayo cabashooyin ay mucaaradku ka qabaan siyaasadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan arrimo la xiriira geeddi-socodka muddo xileedkaii ee dhaamaday eek 15kii bishii maysiyaasadeed, maamulka dalka iyo eedeymo ku saabsan barakicinta shacabkii deggenaa xaafado ka tirsan Muqdisho.

Dhinacyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan nabadda, xasilloonida iyo sharciga, isla markaana ay cabashooyinkooda ku muujiyaan si nabad ah oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here