Maleeshiyaad dil iyo dhaawac ka geystay degmada Gaalkacyo oo lasoo qabtay

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu soo qabtay qaar ka mid ah maleeshiyaad hubeysan oo shalay gaari ku rasaaseeyey koonfurta Gaalkacyo, sida uu shaaciyey Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug Cali Muuse Maxamuud.

Taliyaha ayaa xusay in sidoo kale ay ku raad joogaan rag kale oo baxsad ah, sida uu hadalka u dhigay.

Falka lagu rasaaseeyey gaariga po Jimcihii ka dhacay koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 qof, halka uu ku dhaawacmay qof kale oo shacab ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here