Maleeshiyaad hubeysan oo dad isku qoys ahaa ku laayay gobolka Mudug

0

GAALKACYO (SMN) – Maleeshiyaad hubeysan ayaa shan ruux oo isku qoys ahaa waxa ay ku dileen nawaaxiga degmada Saaxo ee galbeedka gobolka Mudug.

 

Weerarka oo lagu qaaday dadka shacabka ahaa ayaa waxaa ku jiray haween iyo carruur, sida ay wararka sheegayaan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Galmudug, Faysal Sheekh Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hal goob lagu dilat 5 qof, ayadaoo la dhaawac 6 kale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay haatan wadaan baaris ku aadan dhacdadaasi, ayna ku daba jiraan kooxihii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Dhacdadan ayaa imaaneyso xilli todobaadkii lasoo dhaafay sidaan oo kale dad isku qoys ahaa loogu dilay gobolka Galgaduud, waxaana falalkan ay salka ku hayaan aanooyin qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here