Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Talyaaniga + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay safarka madaxweynaha, isaga oo saacadaha soo socda ka duuli doono garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xariira ka qayb-galka shirka Afrika iyo Talyaaniga, kaas oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaal kala duwan.

Sidoo kale waxaa madasha tegi doono ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo haatan dalkiisa u baadi goobayo Badda Cas, isaga heshiis la galay maamulka Somaliland, kaas oo ay si weyn uga caroortay dowladda Soomaaliya oo xagdugub ku tilmaamtay tallaabada Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay yeelan doonaan kulan foolka fool ah, kaas oo looga hadlayo xiisadda taagan.

Warbaahinta gudaha ayaa ogaatay in is aragaas uu qorsheeyay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinayo hoggaaniyeyaasha labada dal.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska Addis Ababa ee ay kowdii bishan wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Wixii ka dambeeyay saxiixa heshiiskaas Muqdisho iyo Addis Aabab ayaa sii kala fogaanayay, waxaana xiisadda ay gaartay gobolka, kadib markii heshiiskaas lagu dhaleeciyay Abiy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here