Maleeshiyaad hubeysan oo dad isku qoys ahaa ku laayey gobolka Mudug

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay maleeshiyaad hubeysan saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen deegaanka Saax-Qurun oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay labo caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabi jiray, Xasan Diiriye Cilmi.

Sidoo kale weerarkan waxa uu dhaawac halis ah kasoo gaaray wiil yar oo 8 sano jir ah, sida ay Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dil wadareedka loo geystay qoyskaasi uu salka ku hayo arrimo aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, kuwaas oo bilaabay howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Inta badan waxaa gobolka Mudug kusoo laa-laabta dagaal beeleedyada iyo sidoo kale dilalka la xariira aanooyinka Qabiil ee ka dhaca gobolkaas oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here