Maleysia oo ka hadashay muwaadin Al-Shababnimo ugu xiran Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda arrimaha dibedda Maleysia ayaa sheegtay inay si dhow ula socota hannaanka sharciga ah ee loo maray muwaadin u dhashay dalkooda oo dhawaan ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida kadib markii lagu soo eedeeyay uu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda Maleysia Datuk Saifuddin Abdullah wuxuu in muwaadin ka soo jeeda Dalkooda oo lagu magacaabo Axmed Mustakim Abdul Hamid uu ka soo muuqday Maxkamad Ciidan oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

Wasiir Datuk Saifuddin ayaa waxuu shaaciyay in Safaaradda Malaysia ee Dalka Sudan ay Koox u soo dirtay Magaalada Muqdisho si ay u eegaan bad-qabka caafimaad eedeysane Axmed Mustakim Abdul Hamid, kaas oo Maxkamadda Ciidamada  Qalabka sida ay dhageysiga dacwadiisa billowday.

Wasiirka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ka socota dalkiisa ay ka qeyb ka gali doonaan dhageysiga dacwada lagu soo oogay Axmed Mustakim.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in xiriir ay la sameeyeen qoyska eedeysanaha islamarkaana ay la socodsiiyeen xaaladiisa caafimaad iyo in uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Magaalada Miqdisho.

Todobaadkii la soo dhaafay, Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysaneyaasha kala ah Axmed Mustakim oo ka soo jeeda Maleysa iyo Darren Anthony oo isna u dhashay Dalka Britian, waxaana labadoouba lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al Shabaab oo ka dirirta gudaha Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here