MAQAAL: Ku Xadgudubka Sharci ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC)

0

Maqaalkani wuxuu falanqeynayaa xadgudubyada sharci ee ay sameeyeen xubnaha GolahaWadatashiga Qaranka (NCC) ee Soomaaliya, kuwaas oo iclaamiyey 7-da May 2025 inay kudhawaaqayaan inay sameysteen xisbi siyaasadeed iyagoo aan haysan oggolaansho sharci ah. Tani waxay ka hor imaaneysaa ujeedadii asalka ahayd ee golaha, taas oo ahayd in la helomadal wadatashi oo lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Qodobada sharci ee ay jebiyeen, iyo jiritaanka golahaayaa hadda laga doodayaa.

 

1. Inay ka tallaabsadeen xuduudda awoodda Golaha NCC

Golaha NCC waxaa loo aasaasay inuu noqdo madal wadatashi siyaasadeed, ma ahan hay’adsharci-dejin ama fulin. Ujeedadiisa, sida laga dhex fahmi karo aasaaskiisa oo ku saleysanheshiis siyaasadeed oo aan ahayn sharci, ayaa ahayd in uu fududeeyo wadahadalka dhexmara madaxda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Ku dhawaaqista xisbi siyaasadeedooay si gaar ah u sameeyeen waxay muujinaysaa inay ka tallaabsadeen doorkii la-talin ee lagafilayey, taasoo jebinaysa kala soocidda awoodaha dowladeed iyo kuwa siyaasadeed.

2. Ku xad-gudbidda Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya

Qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah wuxuu dhigaya in awoodaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada lagu saleeyo heshiisyo iyo wada-xaajood. Ka maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland shirkii NCC ee May 2025 wuxuu dhaawacayaa
sharciyadda go’aannada laga gaaray, gaar ahaan arrin muhiim ah sida samaynta xisbi ay iyagu ku mideysan yihiin. Tani waxay sidoo kale khilaafsan tahay shuruudaha dastuuriga ah.

3. Khilaafka ku saabsan sharciga xisbiyada siyaasadeed

In kasta oo dastuurka Soomaaliya uu oggol yahay sameynta xisbiyo siyaasadeed, haddanawaxaa jira xeerar qeexaya habka loo diiwaangeliyo, loona sugo madax-bannaanida
xisbiyada. Golaha NCC oo ka kooban madaxda dowladaha, markii ay samaystaan xisbi siyaasadeed, waxay meel iska dhigeen xeerarkii u degsanaa arrintan. Tani waxay jebinaysaamabda’a doorasho xor ah iyo tartan  caddaalad ku dhisan.

4. Dumin mabda’a dimuqraadiyadda

NCC oo isu beddesha garab siyaasadeed waxay dhaawacaysaa dimuqraadiyadda iyo kalsoonida shacabka. Tani waxay keeni kartaa tartan aan sinnayn, maadaama golihii ay
ahayd inuu dhexdhexaadiyo uu hadda isagu tartamayo. Taasi waxay wax u dhimaysaa hufnaanta hanaanka doorashada iyo kalsoonida dadweynaha ee geeddi-socodka
dimuqraadiyadeed.

5. Ka leexashada ujeedadii golaha

NCC waxaa loo abuuray inuu noqdo madal lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, lagu mideeyo aragtiyada dastuurka iyo doorashooyinka, isla markaana la dhiso nidaamdowladeed oo mideysan. Samaynta xisbi siyaasadeed waxay muujinaysaa in goluhu ka baxay doorkii dhexdhexaadnimada ee laga filayey.

6. Halis ku wajahan midnimada qaran iyo nidaamka federaalka

Markii ay golaha NCC ka maqnaayeen Jubaland iyo Puntland, haddana la gaaray go’aanahinla sameeyo xisbi, waxay keentay khatar ah in dalka uu galo kala qeybsanaan siyaasadeed. Federaalka Soomaaliya wuxuu ku dhisan yahay wadashaqeyn iyo heshiis. Tallaabadan waxay dhaawac u keeni kartaa nidaamka federaalka iyo kalsoonidii ka dhaxeyn jirtay hay’adaha dowliga ah.

Gunaanad

Go’aanka xubnaha Golaha NCC ay ku sameeysanayaan xisbi siyaasadeed iyagoo aan haysanoggolaansho sharci ah ama wada oggolaan qaran, wuxuu jebinayaa qodobo muhiimah ookamid ah Dastuurka KMG ah, shuruucda doorashooyinka, iyo mabaadi’da dimuqraadiyadeed. Tani waxay abuurtay su’aalo la xiriira jiritaanka iyo sharcinimada golaha. Haddii la raboinSoomaaliya ay gaarto dowladnimo waarta, waa in hay’aduhu si cad oo sharci ah u gutaanwaajibaadkooda, kana fogaadaan ku milanka dano gaar ah.

Qalinkii: Mohamed Musse

Madaxii xiriirka caalamiga ee guddiga doorashada ee heer federaal (2021-2022).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here