Muqdisho, Soomaaliya – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, ahna Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Xarunta Ka-hortagga Argagixisada ee Midowga Afrika (AUCTC), oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Xarunta, Mudane Idriss Mounir Lallali.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, qiimeynta awoodaha iyo baahiyaha hay’adaha qaranka, iyo horumarinta isku-duwidda dadaallada lagu wajahayo khatarta argagixisada.
Wasiiru Dowlaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in taageerada Midowga Afrika loo waafajiyo mudnaanta qaranka iyo dadaallada ay Soomaaliya hoggaaminayso ee dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ka faa’iidaysiga khibradda iyo waayo-aragnimada Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada ay muhiim u tahay xoojinta dadaallada Midowga Afrika ee ka hortagga iyo la-dagaallanka argagixisada.






