Mareykanka oo ballan-qaad culus u sameeyay dowladda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Mareykanka ee qaarada Afrika, Michael Langley, oo maalmihii ugu dambeeyay booqasho ku joogay dalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Taliye Michael Langley ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur uu kala hadlay arrimo khuseeya howlgallada la qorsheynayo in ay billowdaan iyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Michael Langley ayaa sidoo kale kulamo la xiriira dagaalka Al Shabaab la yeeshay hoggaanka howlgalka ATMIS iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka oo ku sugan dalka Soomaaliya.

Wuxuu Taliyaha booqasho ku tegay Xerada Balidoogle ee Gobolka Sh.Hoose, halkaasi oo lagu tabbabaro Ciidanka sida gaarka ah u tabbaran ee Danab, waxaana saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa Mareykanka uu kala hadlay sidii la isgaa kaashan lahaa dagaalka Al Shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdi la socday ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose, halkaasi oo wada-hadal ay kula yeesheen Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe.

Waxyaabaha labada mas’uul ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa dagaalka Al Shabaab iyo doorka Mareykanka ee ku aadan howlgallada dhowaan billaaban doona.

Howlgallada wajiga labaad ayaa sida la sheegay waxaa xooggooda laga sameyn doonaa degaano dhaca Gobollada Jubbooyinka, halkaasi oo weli ay ku xooggan yihiin Ururka Al Shabaab.

Ilo wareedyo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in Mareykanka uu qorsheynayo in saldhig ciidan uu ka sameysto duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose, si halkaasi ay u noqoto xarun looga duulo Al Shabaab.

Si-kastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah Dowladdaha sida dhow u caawiya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xusid mudan in Xukuumadda Washington ay hub ugu deeqday Dowladda Federaalka ka hor inta uusan billaaban howlgalka wajiga koowaad, waxaana Mareykanka uu sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka caawinayaa weerarada dhanka cirka ee lagu beegsado Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here