Sawirro: Saciid Deni oo furay Kalfadhiga 52-aad ee Baarlamaanka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Maamulka Puntland.

 

Saciid Deni oo jeediyay khudbadiisa Dastuuriga ah, ayaa Golaha la wadaagay horumarada laga sameeyay dhinacyada Amniga , Dimuqraadiyadda iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada PL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada PL Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada PL Ismaaciil Maxamed Warsame.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ahaa xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare, Golaha Garsoorka PL, Xafiiska  Xuquuqul Insaanka PL, Ururada Bulshada iyo Marti sharaf kale.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here