Mareykanka oo farriin culus u diray madaxda Jubbaland iyo HirShabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ugu baaqday madaxweynayaasha maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Jubaland inay soo dhameystiraan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Labada maamul ayaa ah kuwa kaliya ee ay ku harsan tahay doorashada kuraasta golaha shacabka, xilli shahaado siinta xildhibaanada cusub ay ka socoto magaalada Muqdisho, lana filayo in la dhaariyo 14-ka April.

“Waxaan ku boorineynaa Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe inay si deg deg usoo dhameystiraan tartanada baarlamaaniga ah ee harsan,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda ku daabacday barteeda twitter-ka.

“Waxaan sugeynaa dhaarinta xildhibaanada cusub ee 14-ka April, waxaana boorineynaa wada-hadal iyo isu-tanaasul si loo xaqiijiyo dhameystir la wada aqbali karo oo nabad ah oo lagu sameeyo hanaanka doorashada Soomaaliya.”

Baaqa Mareykanka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale mid kan oo kale ah ayey shalay jeediyeen saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, oo maamullada HirShabelle iyo Jubaland ugu baaqay inay dhameystiraan geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka, “iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta doorashada.”

Doorashada kuraasta xildhibaanada HirShabeelle ayaa weli socota, balse doorashada kuraasta ku harsan Jubaland ayaa waxaa ku hareereysan mugdi badan, mana cadda xilliga la qaban doono.

Kuraasta ku harsan Jubaland oo ah 16 ayaa ah kuwa deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, waxaana ka taagan khilaaf xooggan oo aan weli xal loo helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here