Mareykanka oo garab istaag u muujiyey ra’iisul wasaare Rooble

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay isku daygii afgembi ee lagu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxanay sheegtay inay tallaabbo cad ay ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaaddo kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda Maraykanka.

“Isku daygaasi waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dedaallada Ra’iisulwasaaraha ee ku aaddan doorasho deg-deg ah oo la isku halleyn karo, dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,”.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka golaha wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul wasaaruhu loo baahan yahay inuu si deg-deg ku qabsoomo, si loo dedejiyo loona hormuriyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale, Ilhaan Nuur Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada ee Mareykanka ayaa Madaxweynahii hore Farmaajo u soo jeedisay in la joogo waqtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorasho ay u qabsoonto.

“Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,” ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here