Wasiirka arrimaha dibadda oo kormeer ku tegay garoonka Aadan Cadde

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax oo ay weheliyeen Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kormeer shaqo ku tegey Terminal-ka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde oo ay dhowaan xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hawl-wadeennada Garoonka ka dhegeystay war-bixin ku saabsan khaladaadkii shaqo, cabashooyinkii laga soo gudbiyey qaabkii uu u shaqayn jirey iyo siyaabaha baal marsan shuruucda dalka ee loo adeegsaday Terminal-ka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here