Boosaaso – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), kuwaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Bariga Afrika, Colonel James Rose.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Puntland iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga badaha.
Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay dardargelinta dhismaha saldhigga Mareykanka ee magaalada Boosaaso, iskaashiga howlgallada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad iyo Calmadow, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo horumarinta tababarrada Ciidamada Difaaca Puntland.
Madaxweynaha Puntland waxaa kulanka kala qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, la-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo saraakiil ciidan. Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Mareykanka iyo Puntland ay sii xoojinayaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka howlgala deegaannada Puntland.




