Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah

0

Belgrade – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaas oo uu khudbad ka jeediyay. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunidu wajahayo, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo wadajirka caalamiga ah.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in caqabadaha maanta jira, oo ay ka mid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimilada, ay u baahan yihiin iskaashi iyo dadaal wadajir ah oo heer caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo uga mahadceliyay bah-wadaagta caalamiga ah taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya siiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee mabaadi’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Dhex-dhexaadka ah, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah.

May be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here