Mareykanka oo shaaciyay sababta uu ciidamadiisa ugala baxay saldhigga Baledogle ee Soomaaliya

0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay sababta keentay in ciidamadiisa laga raro saldhigga milatari ee Baledogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, qiyaastii 90 KM waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

 

Jeneraal John Brennan, oo ah taliye ku-xigeenka AFRICOM, ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee keentay go’aanka ciidanka Mareykanka looga raray saldhiggaasi ay tahay burburka ku yimid dhabaha diyaaradaha, kaas oo khatar gelinayay soo degista iyo duulista diyaaradaha milatariga.

Brennan ayaa xusay in dayactirka dhabaha diyaaradaha uu ku kici lahaa tobannaan milyan oo doollar, taas oo sababtay in talisku go’aansado in ciidamadii halkaasi ku sugnaa loo raro goobo kale oo Soomaaliya ku yaalla, kuwaas oo aan weli si rasmi ah loo shaacin.

“Ka guurista Baledogle waxay boqolkiiba 100 ahayd go’aan dhaqaale,” ayuu yiri Brennan, isaga oo intaas ku daray in xaaladda dhabaha diyaaradaha ay sii xumaanaysay, ilaa heer ay khatar noqotay in diyaaradaha milatariga ay halkaasi ka soo degaan.

Sida uu sheegay, inta badan ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa saldhigga Baledogle ayaa loo wareejiyay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka sii wadi doonaan hawlahooda.

Saldhigga Baledogle ayaa muddo dheer ahaa xarun muhiim u ah hawlgallada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, tababarka ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya iyo taageerada hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha hubeysan.

Mareykanka ayaa bishii May 2025 weli maalgelinayay horumarinta saldhiggaasi, waxaana qorshaha ku jiray dhismaha guryo ay degaan ciidamada, xarumo caafimaad iyo xoojinta amniga, iyadoo ujeeddadu ahayd in Baledogle laga dhigo saldhig muddo dheer ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli isbeddello lagu sameynayo joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, iyadoo taageerada amni ee caalamiga ah ay weli muhiim u tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Jeneraal Brennan ayaa carrabka ku adkeeyay in ka bixitaanka saldhigga Baledogle uusan ka dhignayn in Mareykanku dhimayo taageerada uu siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here