Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo booqday dekedda Ningbo-Zhoushan ee dalka Shiinaha

0

Shiinaha – Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa booqasho ku tagay Dekedda Caalamiga ah ee Ningbo-Zhoushan, oo ka mid ah dekedaha ugu waaweyn dunida, kuna taalla gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha.

 

Wafdiga oo ay qayb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo agaasimayaal guud oo ka kala socda hay’adaha dowladda, ayaa booqday Terminal-ka Saddexaad ee Konteenarrada Dekedda Ningbo-Zhoushan, kaas oo sannadkii qaabila in ka badan 10 milyan oo konteenarro ah oo lagu cabbiro halbeegga TEU.

Intii ay booqashadu socotay, wafdigu waxa uu indho-indheyn ku sameeyay nidaamyada casriga ah ee maamulka dekedaha, adeegyada gaadiidka iyo saadka, isku xirka dekedaha iyo warshadaha wax-soo-saarka, iyo doorka ay dekeduhu ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah.

Booqashadan ayaa muhiimad istaraatiiji ah u leh Soomaaliya, maadaama dalka uu leeyahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, isla markaana uu ku yaallo marin-biyood muhiim ah oo isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys.

Goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ayaa siinaysa fursado waaweyn oo ay ku horumarin karto dekedaheeda, kuna xoojin karto kaalinteeda ganacsiga iyo isku socodka badeecadaha caalamiga ah.

Sidoo kale, khibradaha laga kororsanayo dekedaha waaweyn ee caalamka sida Ningbo-Zhoushan ayaa Soomaaliya u noqon kara fursad ay ku horumariso kaabeyaasha dekedaha, adeegyada saadka iyo nidaamyada maamulka, si ay mustaqbalka uga faa’iideysato awooddeeda juqraafiyeed, ugana mid noqoto xarumaha isku xira ganacsiga Afrika, Aasiya, Bariga Dhexe iyo Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here