Mareykanka oo u Diiday Garsoore Soomaaliyeed inuu Galo Dalka si uu uga Qeyb Galo Koobka Adduunka

0

MUQDISHO – Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ayaa xaqiijisay in loo diiday inuu gudaha u galo dalka garsoore Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cumar Cartan, kaas oo lagu waday inuu ka qeyb galo tartanka Koobka Adduunka ee FIFA.

 

Sida ay Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka u sheegtay warbaahinta, Cumar Cartan ayaa lagu go’aamiyay inuusan u qalmin gelitaanka dalka sababo la xiriira baaritaanno amni, kaddib markii uu gaaray magaalada Miami ee gobolka Florida. Hay’addu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha loo diiday.

Cartan ayaa ka mid ahaa 52 garsoore oo FIFA u xulatay inay dhex-dhexaadiyaan kulamada Koobka Adduunka, waxaana la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeyb gala tartankan caalamiga ah.

Go’aanka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameeyay xeerarka socdaalka ee uu hirgeliyay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Inkastoo Cartan la rumeysan yahay inuu watay fiiso sax ah kahor safarkiisa, haddana waxaa laga celiyay garoonka diyaaradaha kadib baaritaanno dheeraad ah.

Cumar Cartan ayaa hore u sheegay in ka mid noqoshada garsoorayaasha Koobka Adduunka ay ahayd himilo uu muddo dheer ku taamayay, inkastoo uu la kulmay caqabado badan oo ay kamid yihiin duruufaha amni ee ka jira Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here