Mareykanka oo u hambalyeeyay askarta Danab ee tababarka dhameystay

0

MUQDISHO (SMN) – War kasoo baxay safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay ugu hambalyaynayaan askarta cusub ee Danab ku biirtay kadib markii tababar dhowr bilood socday ay ku qaateen xerada Baled-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Waxay dowladda Mareykanka bogaadisay kaalinta ciidamada Danab ka qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab, iyadoo balan qaaday inay sii wadi doonto tababarkooda iyo qalabeyntooda, sida waafaqsan heshiiska iskaashiga amniga ee la galeen dowlada Federaalka.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan shaacisay inay saldhigyo ciidan u dhisayso kumaandooska Danab,  oo hadda tiradooda la kordhinayo, kadib markii la arkay inay door firfircoon ku leeyihiin howlgallada ka socda dalka.

Marka laga soo tago tababarka Danab, dowlada Mareykanka ayaa duqeymo ka fulisa Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here