Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Allaha u naxariistte laba xidigle Cabdulqaadir Muxudiin Aadan ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

 

Marxuumka ayaa lagu dilay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, halkaas oo ay isku rasaaseeyeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa halkaasi.

Laba Xidigle Cabdulqaadir Muxidiin ayaa ka tirsanaa ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gorgor, wuxuuna ahaa madaxa hubka iyo rasaasta guutada 17-aad ee ururka 3-aad ee fadhigiisu yahay degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Sidoo kale waxa uu kamid ah askartkii iyo saraakiishii uu dhawaan dalacsiiyay madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday furimaha hore ee dagaalka ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Ehellada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in geerida wiilkooda ay maqleen saaka, isla markaana ay baxsadeen askartii dishay.

Maydka marxuumka ayaa ugu dambeyn la geeyay xarunta C.I.D, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here