Maryan Maxamed oo u geeriyootay dhaawac ay u geysteen ciidamada DF

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ku geeriyootay AUN Maryan Maxamed Xirsi oo ay 11-kii bishan rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, xilli ay la socotay mooto Bajaaj mareysay isgoyska Foleransa.

Maryan ayaa aheyd gabar dhalinyaro ah, sidoo kalena ka mid ah ardayda waxka barata Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Benadir University oo war kasoo saaray geerida Maryan Maxamed ayaa tacsi u diray ehellada marxuumadda iyo guud haan Ummadda Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso:

Maamulka Jaamacadda Benadir University ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN, Maryan kamid aheyd Ardayda Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka ayadoona ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashadda.

Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) Gudoomiye kuxigeenada Jaamacadda, dhammaan Hormuudyada Kuliyadaha, Maamulka, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo Ardayda Jaamacadda Benadir, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada iyo qoyskii ay ka baxday Marxuumad (Marian Mohamed Hirsi ) oo saakay ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, ayadoo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray rasaas ay fureen askar hubeysan oo laamiga isgooska Foleransa marayay taariikhda marka  aheyd 11-12-2021 habeennimo Axad soogaleyso ayada oo katimd isbitaalka Aadan Abdulle Hospital halkaas oo ku mareysay internaship.

Marian waxa ay kamid aheyd Ardayda Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka ayadoona ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashadda .

Waxaan ALLE uga baryeynaa inuu janadii Fardowsa aheyd ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii ay ka baxday samir iyo iimaan ka siiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here